Filtrar por género

Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah

Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah

Nazreen Zallah

Magacaygu waa Nasreen Sallah; waxaan aad u daneeyaa arimaha ku saabsan wacyiga ruuxda, cilmiyada la xidhiidhka bulshada, Qaangaadhnimada maskaxda, wax ka barashada khibradaha nolosha, wax-yaalaha ku saabsan ibnu-aadamtinimada, walaalnimada, is jacaylka, daganaan-shiyaha, noolaan-shiyaha iyo nabad gudeedka.

podcastkan waxa aan idin kula wadaagi doonaa si qoto dheer qisooyinka noloshayda ee aan wax ka bartay iyo kuwa aan wax ka baran doono ee ogaalkiina wax ku dari doona. 

Waxa aan kaga hadli doonaa muhiimada ay leedahay in aynu noolaano xaqiiqadeena, in aynu aqbalno abuurkeena iyo in aynu baadi goobanno duwanaan-shiyaheena,  si aynu ugu noolaano nolol isku miisaaman, farxad leh, daganaanshiyo leh oo ilaahay raali ka yahay,  nafteenuna raali ku tahay. 

"Talo waliba waxay ka iman doontaa qalbigeyga".

25 - EPO4 Xasuusin iyo xasilooni| Nasriga iyo guusha cid gaar ahi malaha| وتلك الأيام نداولها بين الناس “.
0:00 / 0:00
1x
  • 25 - EPO4 Xasuusin iyo xasilooni| Nasriga iyo guusha cid gaar ahi malaha| وتلك الأيام نداولها بين الناس “.

    Xasuusinta maantaHadii aad dareemayso dareen ah in aan laguu qadarin in aad maruun guul gaadho, ama aad dareemayso in riyo aad jeclayd aanay kuu dhaboobi-karahaynin oo ay wakhtigan kugu adag-tahay in aad rumayso,Halka dadka inbadan oo ka mid ahi ay xikmada ilaahay gaadheen waxaa aad adigu doonaysey ee aanad wali gaadhin.Xasuuso aayada 140 suurada aali cimraan.Ilaahay wuxuu leeyahay “وتلك الأيام نداولها بين الناس “Sidaasaanu maalmaha dadka ugu kala wareejinaynaa, ama sidaasaanu aya...

    Sun, 19 May 2024
  • 24 - EPO3 Xasuusin iyo xasilooni| Naftaada ka saamax doorashooyinkii qaldanaa!

    Xasuusinta maantaMurugo hadii aad dagaal kaga soo baxday ku faro adayg farxada , nabada iyo daganaanshiyaha aad heshay.Dooro deegaan munaasab ah iyo dad aad nabadaada ku ilaashato. Door xasuusta wacnaanta leh ee aan ku carqaladayn dooni .

    Sun, 05 May 2024
  • 23 - EPO2 Xasuusin iyo xasilooni| Dadka ka fagoow fogaanshiyo qurux badan.

    Qofka aydun dhaqan ahaan is af-garan waydeen ama si uun aydun nolosha ugu sii wada midoobi kari waydeen “واهجرهم هجرا جميلا “. Haajiraad qurux badan ka haajir ka fogaanshiyo qurux leh ka fagoow, masaafo nadiifana u jirso.Xasuusinta xalqadan.Afkaagu ruuxii uu waangiisa tirinayay shalay, Maanta isla afkaagii yuu xumaantiisa tirinin.Dadka sikale, wakhti kale iyo waayo kaleba waydin kulmin doonaane. Salam. 💚🍃

    Tue, 30 Apr 2024
  • 22 - EPO1 Xasuusin iyo xasilooni| Raali-galinta dadka.

    Xasuusinta xalqadan Bani aadamka awoodiisa waa la xadiday, waala xadeeyay waana la xakameeyay. Wixii se aad iinsaan ka heli waydo ilaahay xagiisa ka doono, ilaahay xagiisa ka raadso, ilaahayna xagiisana ka baadi doono.Waa ilaaha iska leh sifada kamaalka, dhamaystirnaanta, iyo isleekaanshiyaha.Waa rabiga aan agtiisa waxba laga waayin, agtiisa waxba laynagu yeelin. Talo saarashadiisana badbaada aynu bidno oo aynaan ku hungoobin.Ugu dambaynWaxkaste aynu kala doono oo aynu hadana kala wayno ...

    Thu, 25 Apr 2024
  • 21 - Maxaynu uga baahanahay in aynu garab kala helno? |Taageerada maskaxda iyo Qur.aanka | Mental support.

    Fariimaha yar yar ee aynu helno ayaamaha aynu ugu baahida badannahay laabteena waxbay taraan oo meesha inagu bannaan ayay badh gufeeyaan oo dhaxan tiraan. Si taa la mid ah dadyowga aynu garabka erayadeena iyo wehelnimadeena ku siino ayaamaha nugeyl-koodana meel bay u buuxiyaan aanu garanahaynin ruuxa baahida u qaba mooyee ruux kale oo dibada ka taagani.Garab kala hela wakhtiyada adag🧡

    Fri, 22 Mar 2024
Mostrar más episodios