Filtrar por género
- 69 - Ep:17;When Healing Becomes Self-Punishment| Kolka kabashadu kadeed noqotoWed, 28 Oct 2026
- 68 - Ep:16; Burnout |Shufbeel Tamareed
Daal aadan xeeldheeraantiisa ka faalloon karin wax kasta oo aad samaysayna aan suulaynin haddii uu ku hayo oo salkiisa aad gaadhi wayday armuu yahay 'shufbeel tamareed' ! Dhagaysi iyi dhaqan gelin wanaagsan. Ka falceli xilqaddan 😊
Thu, 04 Jun 2026 - 67 - Ep:15; The Fear of Moving Forward|Ka Cabsashada Hore-U-Socodka
Waligaa ma dareentay in markasta oo aad tallaabo horę u qaaddo Aad haddana dib u qaadayso? Cabsi maka dareentaa hore u socodkaaga nololeed? haddii jawaabtu 'Haa' tahay xilqaddan adiga ayaa iska leh. Dhagaysi iyo dhaqan gelin wanaagsan 🌸 Ka falceli xilqaddan 😊
Mon, 13 Apr 2026 - 66 - Ep:14; Decision Fatigue|Ka daalidda go’aan qaadashada
Haddii ay ku daaliyaan gaadhidda go'aamadu ha yaraadaan ama ha waynaadaane xilqaddan adiga ayaa iska leh, fahan sababaha ka danbeeya daalka ,fahankaasina haku dhaxalsiiyo in aad naftaada u dhibrisid oo u dhego nuglaatid. Dhagaysi iyo dhaqan gelin wanaagsan. Ka falceli xilqaddan 😊
Thu, 09 Apr 2026 - 65 - Ep:13; Maladaptive Daydreaming| La qabsan-Waa Iyo Maalin Riyood
Haddii gudaha madaxaaga adduunyo kuu gaar ahi kaaga dhisantahay oo la qabsiga aad la qabsatay aawadeed aad adduunyadaada dibadeeda uga qawadid, xilqaddan adiga ayaa iska leh. Dhagaysi wanaagsan Ka falceli xilqaddan 😊
Tue, 18 Nov 2025 - 64 - Ep:12; Dissociation| Maan Maqan Iyo Jidh Jooga
Waligaa ma dareentay inaad nolosha dul sabbaynayso, in aad dareen ahaan kabuubyoonayso, in xasuusaha qaar yaraantaadii aanad waxbaba ka xasuusan? Haddii Jawaabtu 'HAA' tahay, xilqaddani waxay kaa caawin kartaa fahanka naftaada. Dhagaysi wanaagsan🌸 Ka falceli xilqaddan 😊
Sun, 09 Nov 2025 - 63 - Ep:11; Parentification| Waalid ka Dhigid
Waligaa ma dareentay in aad waalid tahay adiga oo aan waalidba noqon, yaraantaadiise ma dareentay in aadan noolaan caruurnimo kugu filan? Xilqaddan adiga ayaa iska leh. Dhagaysi wanaagsan Ka falceli xilqaddan 😊
Fri, 07 Nov 2025 - 62 - Ep:10; The Scapegoat Child| Faquuqane
Weligaa ma iswaydiisay maxay ayaa mar walba laguugu canaantaa wax aadan samayn, laguugu oogaa danbi aadan gelin, laguu faquuqaa ee qoyskiina qaab aadan garanayn kaaga dhigay? yaraantaadii haddii aad magac u heli kari wayday, waynaantaada u hel oo ka kabo . Dhagaysi iyo dhaqan gelin wanaagsan 🌸 Ka falceli xilqaddan 😊
Wed, 22 Oct 2025 - 61 - Ep:9; Re-Parenting Yourself| Dib Isu-Ababin
Kawaran haddii aad adigu dhayi karto nabar kasta oo yaraantii kaasoo gaadhay? Awooddaa hadii aad leedahay saw in aad adeegsato ma aha? Dhagaysi iyo dhaqan gelin wanaagsan. Ka falceli xilqaddan 😊
Sat, 27 Sep 2025 - 60 - Ep:8; Self-Abandonment| Heedaddoow
Waligaa xaaladdan heedaddoowga ah ma gashay? naftaada ma dayacday, xilqaddani waxay kaa caawin kartaa in aad ka xuub-siibato. Dhagaysi iyo dhaqan-gelin wanaagsan. Ka falceli xilqaddan 😊
Fri, 26 Sep 2025 - 59 - Ep:7; Panic Attacks| Naxdinta Soo Booddada ah
Waligaa intuu wadnuhu si xawli ah kuu garaacay , dabadeed aad dhididday oo neeftu ku qabatay ma is tidhi waad dhimanaysaa? Xilqaddan ayaynu isku waydiinaynaa xaaladdaasi waxa ay tahay. Dhagaysi wanaagsan. Ka falceli xilqaddan 😊
Sun, 31 Aug 2025 - 58 - Ep:6; Emotional Sponge| Muquurasho DareenMon, 21 Jul 2025
- 57 - Ep:5; Hypochondria| Ka Cabsashada CudurradaFri, 27 Jun 2025
- 56 - Ep:4; Paranoia| Buufis
Waligaa ma iswaydiisay 'Buufiska' ama 'Bacdu' wax ay tahay? Xilqaddan ayaynu kaga jawaabaynaa. Dhagaysi wanaagsan. Ka falceli xilqaddan 😊
Sun, 23 Feb 2025 - 55 - Ep:3; Neutralising Anxious Thoughts| Badhxidda Afkaaraha Cabsida
'Sidee ayaan u badhxi karaa dareemmadayda cabsida ku qotoma?' ayaynu kaga jawaabaynaa xilqaddan. Dhagaysi iyo dhaqan gelin wanaagsan. Ka falceli xilqaddan 😊
Mon, 03 Feb 2025 - 54 - Ep:2; The Power of Positive Affirmations| Awoodda Erayada Togan
Erayadu aynu adeegsannaa saamayn maku leeyihiin caafimaadka-dhimirkeenna ayaynu xilqaddan isku waydiinaynaa. Dhagaysi iyo dhaqan gelin wanaagsan. Ka falceli xilqaddan 😊
Wed, 22 Jan 2025 - 53 - Ep:1; Self-Stigma |Summad-Ceebeed
Weli ma Iswaydiisay su'aasha ah 'maxay ayay dadku caawimo u dalban waayaan marka ay maskaxdoodu u baahato'? xilqaddan ayaynu kaga jawaabi doonnaa wax ka mid ah waxyaabaha dadka ka hor istaaga inay maskaxdooda u hiiliyaan. Ka falceli xilqaddan 😊
Sat, 07 Sep 2024 - 52 - HORDHAC:Season 2Thu, 22 Aug 2024
- 51 - Ep:50; Dib U Milicsi |Reflecting Back
Xilqaddan waxaynu dib ugu milicsanaynaa safarkii kabasho ee sannadka iyo badhka soo socday, waxaynu kale oo wax iska waydiinynaa muhiimadda ay leedahay 'Kabashada-Dareen' iyo calaamadaha aad ku garan kartid. Dhagaysi wacan. Ka falceli xilqaddan 😊
Mon, 14 Aug 2023 - 50 - Ep:49; Sidkanaanta Dhaawacan |Trauma Bonding
Weligaa ma dareentay in naftaadu jeceshahay ama ku sidkantahay cidda dhibaataysa? ma u wayday magac aad u bixiso xidhiidhka noocaas ah, xilqaddan ayaa kuu faah-faahinaysa magaca ,micnaha iyo qaabka uu u samaysmo xidhiidhka noocaas ahi. Dhagaysi wanaagsan. Ka falceli xilqaddan 😊
Sat, 08 Jul 2023 - 49 - Ep:48; Darreemmo- Ku Hafasho |Sensory Overload
Weligaa ma dareentay inaad dareemahaaga ku hafanaysid? sidee ayaad u maaraysay dareen-ku hafashada? Xilqaddan ayaynu maaraynta dareen ku hafashada kaga hadlaynaa, dhagaysi iyo dhaqan gelin wanaagsan Ka falceli xilqaddan 😊
Mon, 26 Jun 2023 - 48 - Episode 47: Dareen Xakamayn;Emotional Regulation
Weli ma Iswaydiisay ama ma doontay inaad dareemahaaga xakamayso? Inaad falcelinahaaga adigu falkiso oo aanay si bila qorshe ah kaaga soo fulin? Xilqaddan ayaynu ku qaadaa-dhigaynaa qaabka ugu fudud ee aad u baran kartid Xakamaynta Dareemadaada. Dhagaysi iyo Dhaqan gelin wanaagsan. Ka falceli xilqaddan 😊
Tue, 06 Jun 2023 - 47 - Episode 46: Cuqdadda Hoosaynta Q:2aad;Inferiority Complex| Kabasho|
Waa Qaybtii 2aad ee Cuqdadda Hoosaynta. Dhagaysi wanaagsan . --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
Thu, 25 May 2023 - 46 - Ep:45; Cuqdadda Hoosaynta |Inferior Complex
Cuqadadda Hoosayntu 'Inferiority Complex' waa maxay ayaynu xilqaddan isku waydiinaynaa . Dhagaysi wanaagsan --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
Thu, 04 May 2023 - 45 - Ep:44; Darroor Dareemeed |Emotional Leakage
Bani'aadamku ma darroori karaa dareen ahaan? Xilqaddan ayaynu kaga jawaabaynaa su'aashan. Dhagaysi iyo Dhaqan gelin wanaagsan --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
Tue, 28 Feb 2023 - 44 - Ep:43; Naf Ka Shakiyid |Self-Doubt
Weli awoodahaaga qofeed , wax qabadkaaga iyo ahaanshiyahaaga maka shakiday? ma iswaydiisay weli waxaad isaga shakido? Xilqaddan ayaynu isku waydiinaynaa shakiga, waxa keena iyo sida looga bixi karo. Dhagaysi iyo dhaqan gelin wanaagsan --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
Mon, 20 Feb 2023 - 43 - Ep:42; Qunyar Noolaanshiyo |Slow Living
Weli ma maqashay mabda'a 'Qunyar Noolaanshiyaha' , ma noolaan kartaa qunyar iyada oo aanay jirin wax ku dedejinayaa? Xilqaddan ayaynu isku waydiinaynaa waxa uu yahay Qunyar-Noolaanshiyuhu. Dhagaysi iyo dhaqan-gelin wanaagsan --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
Wed, 15 Feb 2023 - 42 - Ep:41; Dad-Raalli Gelin |People Pleasing
Weli ma Is waydiisay dhaqanka dad iska gadista/dhaadhicintu meesha uu kasoo raaco dadka, sifaha ay yeeshaan dadka lihi iyo sida loge gudbi karo? Xilqaddan ayaad ku baranaysaa bi'dniLaah. Dhagaysi Iyo Dhaqan Gelin Wanaagsan. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
Mon, 23 Jan 2023 - 41 - Ep:40; Naf-Saamixid |Self-forgiveness
Weligaa ma doontay inaad naftaada saamaxdid? ma iswaydiisay halkee ayaan ka bilaabaa? xilqaddani waxay kaaga jawaabaysaa su'aalo laga yaabo inaad jawaab u la'ayd. Dhagaysi iyo Dhaqan-gelin wanaagsan. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
Fri, 06 Jan 2023 - 40 - Ep:39; Dhiig-bax Dareen |Emotional Bleeding
Weligaa ma maqashay qofbaa dareen ahaan u dhiig-baxay? xilqaddan ayaynu isku waydiinayaa waxa uu yahay dhiig-baxa dareen. Dhagaysi wanaagsan. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
Tue, 27 Dec 2022 - 39 - Ep:38; Cabsida Geerida |Thanatophobia
Sidee ayaan uga bixi karaa cabsida daran ee geerida ayaynu kaga jawaabaynaa xilqaddan. Dhagaysi iyo dhaqan gelin wanaagsan. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
Thu, 22 Dec 2022 - 38 - Ep:37; La dhaqmidda hubanti la'aanta |Dealing With Uncertainty
Tabo iyo xeelado kaa caawin kara la dhaqanka hubanti la'aanta ayaad xilqaddan ka faa'iidaysaa bi'dniLaah. Dhagaysi wanaagsan. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
Fri, 09 Dec 2022 - 37 - Ep:36; Fikradaha Taban |Intrusive Thoughts
Fikradaha maanka kusoo dhaca kuwooda khalalka qofka geliya ayaynu kaga hadlaynaa xilqaddan. Dhagaysi wanaagsan. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
Sat, 12 Nov 2022 - 36 - Ep:35; Ka kabashada Dhibta Waalidka Is-xambaarsanaha Ah | Healing from Parental Narcissistic Abuse
Waalidkaygu haddii uu Is-xambaarsane yahay maxaan ka yeelaa? Su'aashan ayaynu xilqaddan kaga jawaabaynaa. Dhagaysi wanaagsan. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
Fri, 04 Nov 2022 - 35 - Ep:34; Ka kabashada Dhibta Is-xambaarsanaha | Healing from Narcissistic Abuse
Tallaabooyinka ka kabashada dhibta Is-xambaarsanaha ayaynu xilqaddan ku qaadaa-dhigaynaa. Dhagaysi iyo dhaqan-gelin wanaagsan. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
Sat, 29 Oct 2022 - 34 - Ep:33; Is-xambaarsanaanta Iyo Waalidnimada | ;Parental Narcissism
Waalidku Isxambaarsane ma noqon karaa ayaynu kaga jawaabaynaa Xilqaddan. Dhagaysi wanaagsan. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
Sat, 22 Oct 2022 - 33 - Ep:32; Xeeladaha Is-xambaarsanaha |Narcissistic Tactics
Wax ka baro xeeladaha dadka Is-xambaarsanaayaasha ah. Dhagaysi wanaagsan. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
Fri, 14 Oct 2022 - 32 - Ep:31; Narcissism In relationships |Is-xambaarsanaanta Iyo Xidhiidhada |
Sidee ayay u dhaqmaan is-xambaarsanayaashu xilliyada ay xidhiidhada ku jiraan? Su'aashan ayaynu kaga jawaabaynaa xilqaddan. Dhagaysi Wanaagsan. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
Fri, 14 Oct 2022 - 31 - Ep:30; Is-xambaarsanaan |Narcissism
Weli ma iswaydiisay Is-xambaarsanaanta |Narcissism-ku waxa uu yahay? xilqaddan ayaynu kaga jawaabaynaa su'aashaas misana ku baranaynaa shakhsiyidda noocaas ah calaamadaheeda iyo waxa sameeya dhaqankeeda. Dhagaysi wanaagsan --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
Fri, 23 Sep 2022 - 30 - Ep:29; Dareen-Habaabin |Emotional Manipulation
Weli dareenkaaga mala habaabiyay? Maxay ayaad dareentay? maxaa lagu gartaa qofka dareenka habaabinaya? xilqaddan waxaynu kaga jawaabaynaa su'aalahan iyo kuwo kale. Dhagaysi wanaagsan. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
Sat, 27 Aug 2022 - 29 - Ep:28; Xuduudaha Goobta Shaqada |Setting Boundaries At Work
Sideen u samaystaa Xuduudo -Shaqeed ayaynu kaga jawaabaynaa xilqaddan. Dhagaysi iyo Dhaqan-gelin wanaagsan. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
Fri, 19 Aug 2022 - 28 - Ep:27; Xuduudo Dareemeed |Emotional Boundaries
Weli ma is waydiisay waxaad mar walba u niyad jabsantahay, uga daallantahay gudaha,u dareensantahay in aan lagu qiimaynayn? malaga yaabaa inaanad xuduudo dareemeed lahayn? Dhagaysi iyo Dhaqan-gelin wanaagsan 🌸 --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
Sat, 06 Aug 2022 - 27 - Ep:26; Xuduudo Samaysi |Setting Boundaries
Waa maxay samaysiga xuduudaha-qofeed? maxaynu se ugu baahannahay ayaynu xilqaddan isku waydiinaynaa. Dhagaysi wanaagsan 🌸 --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
Fri, 29 Jul 2022 - 26 - Ep:25; Dhalanteedka Dhamaystiranka (Q:2aad)|Perfectionism
Xilqaddan waxaynu kaga hadlaynaa siyayaabaha loo yarayn karo ama looga guulaysan karo Dhalanteedka-Dhammasytiranka. Dhagaysi iyo Dhaqan gelin wanaagsan 🌸 --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
Fri, 22 Jul 2022 - 25 - Ep:24; Dhalanteedka Dhamaystiranka|Perfectionism
'Waa maxay Dhalanteedka Dhammaystiranku'? Su'aashan ayaynu kaga jawaabaynaa xilqaddan. Dhagaysi iyo dhaqan gelin wanaagsan 🌸 --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
Fri, 15 Jul 2022 - 24 - Ep:23; Bahdilaad|Bullying
Xilqaddan waxaynu isla qaadaa-dhigaynaa 'bahdilaadda' , noocyadeeda iyo wajiyada kala duwan ee ay u dhacdo. Dhagaysi wanaagsan. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
Fri, 01 Jul 2022 - 23 - Ep:22; Dareemada Ceebta |Feelings of Shame
Xilqaddan waxaynu ku baranaynaa sida loola dhaqmo dareemada ceebta iyo dhaqamada ka dhasha labadaba. Dhagaysi iyo dhaqan-gelin wanaagsan.🌸 --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
Fri, 24 Jun 2022 - 22 - Ep:21; Baqdinta dad dhexgalka |Social Anxiety
Weligaa ma dareentay in baqdin\cabsi ba'ani ku hadhayso marka aad is tiraahdo dadka dhexgal, madal tag ama meel lagaaga yeedho ay dadku ku badanyihiin? xilqaddan waxaad ku fahmaysaa meesha cabsidaasi kasoo unkamayso iyo qaababka aad u dumin karto ee uga xoroobi karto. Dhagsi iyo dhaqan-gelin wanaagsan. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
Fri, 17 Jun 2022 - 21 - Ep:20; Urugada Geerida Dabadeed |Grief after Death
Sidee ayaan u urugoodaa kadib marka qof aan jeclahay i cidleeyo, sideense u kala gartaa dareemada caafimaadka qaba iyo kuwa aan caafimaadka qabin ee ila hadhaya? Su'aalahan ayaan kaga jawaabayaa xilqaddan. dhagaysi iyo dhaqan gelin wanaagsan. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
Sun, 12 Jun 2022 - 20 - Ep:19; Urugo|Grief
Xilqaddan waxaynu isla qaadaa-dhigaynayaa dareenka 'urugada' saamayntiisa iyo sida loola dhaqmo. Dhagaysi wanaagsan ✨ --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
Fri, 03 Jun 2022 - 19 - Ep:18; Ogaal-Neefsasho|Mindful Breathing
Xilqaddan waxaynu ku baranaynaa waxa loo yaqaanno 'Ogaal-Neefsashada' faa'iidooyinkeeda iyo sida loo sameeyo. Dhagaysi iyo dhaqan-gelin wanaagsan 🙌 --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
Sat, 21 May 2022 - 18 - Ep:17; Tabnaanshiyaha Jidheed|Body Dysmorphic Disorder (BDD)
Xilqaddan waxaynu ku lafa guraynaa waxaynu u bixinay 'tabnaanshiyaha jidheed' waxa uu yahay,sida uu u abuurmo iyo sida looga bixi karo. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
Fri, 13 May 2022 - 17 - Ep:16; Depressionka Dhalmada Dabadeed|Postpartum Depression
Xilqaddan waxaynu isku waydiinaynaa urugada hooyada soo foodsaarta kadib markay ilmaha dhasho, waa maxay calaamadaha lagu gartaa? sideese loola dhaqmaa? --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
Sat, 16 Apr 2022 - 16 - Ep:15; Kalsoonida Nafta|Self-Confidence
xilqaddan kalsoonida waxaynu ku qeexnay sidan; waa karti iyo dareen gudeed oo ruuxu kashiisa ku beero taasi oo ku hagta in uu aamino ama ku tiirsado awoodihiisa qofeed. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
Fri, 08 Apr 2022 - 15 - Ep:14; Awoodda Siidaynta|The Power of Letting Go.
Xilqaddan waxaynu kaga jawaabaynaa su'aasha ah 'Awood intee le'eg ayaynu u leenahay inaynu siidayno dareemada aynaan jeclayn si aynu qayb uga noqonno kabashadeenna'?. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
Fri, 01 Apr 2022 - 14 - Ep:13; Dhaawac-Waalid|Parental Wound
Haddii waalidkaygu yaraantii isoo dhaawaceen sidee ayaan uga kaban karaa dareemada dhaawacaa ka dhasha, isla markaana sidee ayaan tabashadayda ugala hadli karaa hadda? --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
Fri, 25 Mar 2022 - 13 - Ep:12; Naf-la Hadal |Self-Talk
Naf-lahadalka aynu ka dhaxalnay xilqaddii 11aad waa sidee inuu noqdo, ayaynu is-waydiinaynaa xilqaddan 12aad. Dhagaysi wacan. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
Mon, 21 Mar 2022 - 12 - Ep:11; Sidkanaanta |Attachment
Psychologist kii waynaa ee reer Ingiriis John Bowlby wuxuu Sidkanaanta ku qeexay; isku xidhnaanshiyaha laxaweed ee raaga isla markaan ka dhaxeeya bani’aadamka. Xilqaddan waxaynu ku lafo guraynaa sida noocyadii kala duwanaa ee la inoo soo koriyay waynaanteenna inoo saamayn karaan. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
Fri, 11 Mar 2022 - 11 - Ep:10; Tiirsanaanta-Taban |Codependency
Tiirsanaanta-Taban(Co-dependency) waxay dhacdaa marka qofku dulin-laxaweed (Emotional-Parasite) ku yahay dadyowga xidhiidhku kala dhaxeeyo. Xilqaddan waxaynu iswaydiinaynaa meesha ay kasoo unkanto tiirsanaanta-tabani, calaamadaha lagu garto iyo sida looga bixi karo. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
Fri, 04 Mar 2022 - 10 - Ep:9; Fillaanshiyo-la'aan |Not feeling Enough
Fillaanshiyo- la’aantu waa dareen taban oo kasoo unkamay yaraantii marar kalena waxaa la kasbadaa waynaanta oo waxaa kugu abuura deegaanka iyo dadka kugu xeeran ee xayndaabkaaga kujira. Sidee looga tallaabaa dareemada fillaanshiyo la'aanta ayaynu ka sheekaysanaynaa. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
Fri, 25 Feb 2022 - 9 - Ep:8; Hungow|Disappointment
Hungowgu waa dareen xeeldheer oo qofka hadheeya hammina ku beera kadib markii sawir ama filasho uu si dhow qalbigiisa ugu hayey ay beenowdo ama midho dhali wayday, xilqaddan waxaynu iswaydiinaynaa sidii aynu ula dhaqmi karno dareenkaas. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
Fri, 18 Feb 2022 - 8 - Ep:7; Maanka-Dhibanaha|Victim Mentality
Lahaanshiyaha Maan-Dhibane waa dabeecad la kasbado/barto oo uu ruuxu u arko in uu dhibane u yahay waxkasta , in qawaaniinta dunidu liddi ku tahay, in uu mudanyahay in laga naxo oo marwalba loo nuglaado. Waxaynu xilqaddan isku waydiinaynaa calaamadaha lagu garto lahaanshiyaha maanka-dhibane iyo sida looga bixi karo. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
Fri, 11 Feb 2022 - 7 - Ep:6; Naf-hagrasho |Self-sabotage
Naf-hagrashadu waa haysashada caqiidooyin ama aaminaado taban(negative) ah oo qofku ka haysto naftiisa , sida inuu aaminsanyahay in aanuu wanaag badan, lacag badan, degenaanshiyo badan qurux badan guulo adduun iyo kuwo aakhiro oo badan midna u qalmin. Waa laga yaabaa inaad iswaydiiso side ayay suurtagal u tahay? Ma qof wanaag neceb ayaa jira ? side qofku isula hadhi karaa? --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
Thu, 10 Feb 2022 - 6 - Ep:5; Aafada Is-canaanashada |Self-blame
Maxay ayaa maskaxdaada kusoo dhacaa markaad maqasho erayga 'Is-canaanasho'? Ma ogtahay in dareenka gudeed ee Is-canaanashadu uu burburin karo kalsoonidaada,waxyeeli karo kasmadaada kaa reebi karo inaad kaalin gasho oo ku dhiirato noqoshada qofka aad rabto inaad noqoto. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
Thu, 10 Feb 2022 - 5 - Ep:4;Awoodda la jaanqaadka|Adaptability
La jaanqaadku waa lahaanshiyaha awood la qabsi uu ruuxu kula qabsado xaalad cusub oo soo korodhay, maaha shuruud ama khasab in uu raalli ka yahay ama ku negiyahay xaaladda markaa taagan. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
Mon, 31 Jan 2022 - 4 - Ep:3;Aq-balaad|Acceptance
‘Aq-balaadda’ ama afka qalaad waxa la yidhaahdo ‘Acceptance’ waxa kasoo horjeeda ‘iska caabbin’ ama ‘resistance’ , aqbalaaddu waa inaad arrimaha ku eegtid isha xaqiiqada, qirtid jiritaankooda iyo jirridooda oo aanad kala hortagin iska caabbin iyo dafiraad midna. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
Sat, 15 Jan 2022 - 3 - Ep:2; Ahaanshiyo|Being Present
Ahaanshiyo:Waa doorashada uu qofku doorto in uu dareenkiisa,diiraddiisa iyo ogaalkiisa oo dhammaystiran u soo jeediyo daqiiqadda ama ilbidhiqsiga uu imika iyo hadda joogo ee kujiro. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
Sat, 15 Jan 2022 - 2 - Ep:1; Ogaal-Nafeed| Self-Awareness
Ogaal nafeedku waa lahaanshiyaha awood uu ruuxu naftiisa hoos ugu warhayn karo, ugu waraysan karo, wax isu waydiin karo isuguna warcelin karo, qeexi karo dareemihiisu Meesha ay kasoo burqanayaan,baahiyihiisu inta ay sii ridanyihiin iyo salka ay ku fadhiyaan inta uu le'gyahay. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
Sat, 15 Jan 2022 - 1 - Hordhac;Trailer
Waa maxay ujeedka aan u soo tebinayo taxanaha kabasho? --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
Sat, 15 Jan 2022
Podcasts similares a Kabasho
El Partidazo de COPE COPE
Herrera en COPE COPE
La Linterna COPE
Es la Mañana de Federico esRadio
La noche de Cuesta esRadio
La Trinchera de Llamas esRadio
Hondelatte Raconte Europe 1
Affaires sensibles France Inter
LEGEND Guillaume Pley
El colegio invisible OndaCero
La Rosa de los Vientos OndaCero
Les grands dossiers de l'Histoire par Franck Ferrand Radio Classique
Espacio en blanco Radio Nacional
Entrez dans l'Histoire RTL
Le grand récit RTL
Les Grosses Têtes RTL
L'Heure Du Crime RTL
Parlons-nous RTL
El Larguero SER Podcast
Nadie Sabe Nada SER Podcast
SER Historia SER Podcast
Todo Concostrina SER Podcast
Un Libro Una Hora SER Podcast
HISTORIAS DE LA HISTORIA VIVA RADIO
