Filtrar por gênero
- 470 - SE13EP06 Afka Hooyo
Send us Fan Mail Macallin, abwaan, af-aqoon, Maxamed Caddaani ayaannu kala sheekaysannay afka hooyo iyo aqoonta guud ee afafka. Dhegaysi wacan! Support the show
Fri, 23 Oct 2026 - 469 - SE13EP05 Saynabeey Salaamaad, Qaybta 4-aad
Send us Fan Mail Waa qaybtii 4-aad, uguna dambaysay, ee taxanaha buugga "Saynabeey Salaamaad", dhegaysi wacan! Haddii aad u baahato buugga oo daabacab, kala xidhiidh: WhatsApp: +252634455341 Support the show
Sat, 26 Sep 2026 - 468 - SE13EP04 Fanka & Suugaanta: Naciima X. Maxamed
Send us Fan Mail Waa barnaamijkeennii Fanka & Suugaanta. Doorkan waxa marti ku ah Naciima X. Maxamed. Dhegaysi wacan! Support the show
Mon, 14 Sep 2026 - 467 - SE13EP03 Saynabeey Salaamaad, Qaybta 3-aad
Send us Fan Mail Waa qaybtii 3-aad ee taxanaha buugga "Saynabeey Salaamaad", dhegaysi wacan! Haddii aad u baahato buugga oo daabacab, kala xidhiidh: WhatsApp: +252634455341 Support the show
Fri, 11 Sep 2026 - 466 - SE13EP02 Saynabeey Salaamaad, Qaybta 2-aad
Send us Fan Mail Buugga Saynabeey Salaamaad waxa uu ku saabsan yahay sheeko dhab ah oo ka dhacday magaalada Muqdisho, sannadkii 1991-kii. Dhegaysi wacan! Support the show
Sat, 29 Aug 2026 - 465 - SE12EP06 Buug Codaysan - Gaax, Qaybta 4-aadSat, 18 Apr 2026
- 464 - SE12EP05 Jilayaasha Filinka "Loollan"
Send us Fan Mail Saalim iyo Edna waa labada jile ee taxanaha "Loollan". Filin aad loo jecel yahay ayay hoggaaminayeen. Dhegaysi wacan! Support the show
Thu, 16 Apr 2026 - 463 - SE12EP04 Hargeysa Ilaa Hollywood
Send us Fan Mail Omer Farah waxa uu horumar la taaban karo ka gaadhay filinsamaynta casriga ah iyo tebinta sheekada. Daawasho wacan! Support the show
Tue, 14 Apr 2026 - 462 - SE12EP03 Wacyigelinta Autism-ka
Send us Fan Mail Fahanka laga haysto xaaladda autismk-ka aad ayuu u yar yahay. Barnaamijkani waa wacyigelin guud. Support the show
Mon, 06 Apr 2026 - 461 - SE12EP02 Buug Codaysan - Gaax, Qaybta 3-aadMon, 30 Mar 2026
- 460 - SE12EP01 Waa Layga Guursaday 14
Send us Fan Mail Waa barnaamijkeennii taxanaha ahaa ee Waa Layga Guursaday, qaybtii 14-aad. Dhegaysi wacan! Support the show
Wed, 25 Mar 2026 - 459 - SE11EP06 Buug Codaysan: Gaax 2
Send us Fan Mail Gaax, waa buug uu qoray Ismaaciil C Ubax, waxana uu soo baxay sannadkii 2017-kii. Waa Qaybtii 2-aad. Dhegaysi wacan! Support the show
Tue, 24 Mar 2026 - 458 - SE11EP05 Buug Codaysan: Gaax 1
Send us Fan Mail Gaax, waa buug uu qoray Ismaaciil C Ubax, waxana uu soo baxay sannadkii 2017-kii. Waa Qaybtii 1-aad. Dhegaysi wacan! Support the show
Tue, 24 Mar 2026 - 457 - SE05EP06 Bani'aadannimo Maxay Tahay?
Send us Fan Mail Dr. Ciise Cabdi Jaamac waxa uu ka mid yahay dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn. Waxa uu daweeyaa dad ku nool dhulal aad u fog oo ay ka jirto baahi caafimaad. Waxa aynu kala sheekaysan doonnaa qiimaha ay leedahay in dadka loogu adeego bani’aadannimo. Dhegaysi wacan! Support the show
Tue, 15 Jul 2025 - 456 - SE11EP04 Sirta Maanka
Send us Fan Mail Cabsi, murugo, werwer, walbahaar, iskubuuq.. intaasiba waa xaaladaha fudud ee qofka soo wajahi kara, dhanka caafimaadka maanka. Asma Dhamac oo ku takhasustan cilmigan ayaa ka warramaysa. Dhegaysi wacan! Support the show
Fri, 31 Jan 2025 - 455 - SE11EP03 Fanka & Suugaanta: Rawda Cabdiwahaab "Dhal Gobeed"
Send us Fan Mail Waa barnaamijka Fanka & Suugaanta. Waxa ku casuuman Rawda Cabdiwahaab "Dhal Gobeed". Dhegaysi wacan! Support the show
Fri, 24 Jan 2025 - 454 - SE11EP02 Qaxii Suudaan
Send us Fan Mail Dagaalka Suudaan ka qarxan sannadkii 2023-kii, sidee ayuu saameeyay dhallinyarada Soomaalida ah ee halkaas wax ka dhigan jirey? Daawasho wacan! Support the show
Sat, 18 Jan 2025 - 453 - SE11EP01 ABDI ADDE
Send us Fan Mail ABDI ADDE waa muuqaalsameeye ku shaqaysta telefoonkiisa, muuqaallo qurux badanna soo gudbiya. Dhegaysi wacan! Support the show
Tue, 07 Jan 2025 - 452 - SE10EP04 Waan Is Guursannay 4
Send us Fan Mail Waa qaybtii 4-aad ee taxanaheenna "Waan Is Guursannay", sidoo kale waa qaybtii u dambaysay ee sheekada Farxaan iyo Rooda. Dhegaysi wacan! Support the show
Fri, 04 Oct 2024 - 451 - SE10EP03 Waan Is Guursannay 3
Send us Fan Mail Waa qaybtii saddexaad ee barnaamijkeennii "Waan Is Guursannay". Dhegaysi wacan! Support the show
Mon, 23 Sep 2024 - 450 - SE10EP02 Waan Is Guursannay 2
Send us Fan Mail Waa qaybtii labaad ee taxanaheennii "Waan Is Guursannay". Dhegaysi wacan! Support the show
Mon, 16 Sep 2024 - 449 - SE10EP01 Waan Is Guursannay 1
Send us Fan Mail Waa taxane cusub oo la magac baxay "Waan Is Guursannay". Waxa uu xoogga saarayaa qisooyinka dhegaystayaasha ku xidhan Codka Ubax iyo jacaylada guulaystay. Waa qaybtii kowaad. Dhegaysi wacan! Support the show
Fri, 13 Sep 2024 - 448 - SE09EP07 Fanka & Suugaanta: Nimcaan "Qays Galbeed"
Send us Fan Mail Waa barnaamijkeennii Fanka & Suugaanta, waxana maanta ku casuuman abwaanka da'da yar ee Nimcaan "Qays Galbeed". Dhegaysi wacan! Support the show
Fri, 28 Jun 2024 - 447 - SE09EP06 Fanka & Suugaanta: Cabdirisaaq Xasiliye
Send us Fan Mail Waa mar kale iyo barnaamijkeennii Fanka & Suugaanta. Waxa marti ku ah Cabdirisaaq "Xasiliye". Dhegaysi Wacan. Support the show
Fri, 31 May 2024 - 446 - SE09EP05 Qoraalka & Dhaqanka
Send us Fan Mail Muna Axmed Cumar waa qoraa wax ka qorta dhaqanka Soomaalida. Waxa aannu kala sheekaysannay isbedellada qoraalka, kuwa dhaqanka, iyo wacyiga bulshada. Dhegaysi wacan! Support the show
Fri, 10 May 2024 - 445 - SE09EP04 Barnaamijka Caafimaadka: Qanjidka Thyroid
Send us Fan Mail Maxaad ka taqaannaa qanjidhka thyroid-ka la yidhaa? Waa Dr. Mariam oo ka warramaysa isbeddelka ku yimaadda qanjidhkan iyo sida uu dadka u saameeyo. Dhegaysi wacan! Support the show
Fri, 03 May 2024 - 444 - SE09EP03 Khilaafyada Soomaalida
Send us Fan Mail Maxaa soo celceliya khilaafyada Soomaalida, taariikh ahaan sidee loo xallin jirey, caqabado noocee ah ayaa se hor taagan in tabashooyinka la xalliyo? Mawduucan waxa aan kala sheekaystay Cabdiraxmaan Sheekh Xasan "Musaabaqo". Dhegaysi wacan! Support the show
Fri, 26 Apr 2024 - 443 - SE09EP02 Fanka & Suugaanta: Rawda Cabdiwahaab "Dhalgobeed"
Send us Fan Mail Waa barnaamijkeennii Fanka & Suugaanta. Waxa maanta marti ku ah Rawda Cabdiwahaab "Dhalgobeed". Dhegaysi wacan! Support the show
Fri, 19 Apr 2024 - 442 - SE09EP01 Khalad-fahanka Baraha Bulshada
Send us Fan Mail Siyaabo gurracan ayay Soomaalidu inta badan u adeegsataa baraha bulshada. Waxa aannu sheekaysannay Cabdillaahi Xasan Ganey. Dhegaysi wacan! Support the show
Fri, 12 Apr 2024 - 441 - SE08EP06 Waa Layga Guursaday 13
Send us Fan Mail Waa taxanihii "Waa Layga Guursaday", qaybtii 13-aad. Dhegaysi wacan! Support the show
Sun, 10 Dec 2023 - 440 - SE08EP5: Dhuusamareeb
Send us Fan Mail Waxa aannu magaalada Dhuusamareeb kula kulannay Prof. Axmed Salaad oo aanu kala sheekaysannay isbeddelka dhaqanka ku socda. Dhegaysi wacan! Support the show
Fri, 10 Nov 2023 - 439 - SE08EP04: Hadhiwaa
Send us Fan Mail Hadhiwaa waa buugga cusub ee uu qoray Maxamed Haldoor, kaas oo uu kaga warramayo waayihiisa caafimaad iyo isbeddelkii ku yimid. Dhegaysi wacan! Support the show
Fri, 27 Oct 2023 - 438 - SE08EP03: Murtida Maansada Urugo
Send us Fan Mail Maansada Urugo waxa ay ku saabsan tahay qiso xanuun badan oo uu ka sheekayn doono Abwaan Cabdirisaaq "Bidixo", maansadeedana tirin doono. Dhegaysi wacan! Support the show
Sat, 14 Oct 2023 - 437 - SE08EP02 Foosiya RindaiFri, 29 Sep 2023
- 436 - SE08EP01 Dimuqraadiyaynta Tacliinta
Send us Fan Mail Cabdi Maxamed Axmed waxa uu ka shaqeeyaa horumarinta afka iyo dhaqanka, waana Aasaasaha iyo Maamulaha Kitaab Cloud. Dhegaysi wacan! Support the show
Fri, 15 Sep 2023 - 435 - SE07EP11 Caweyska BooramaFri, 01 Sep 2023
- 434 - SE07EP10 Beledweyn
Send us Fan Mail Waxa aannu magaalada Beledweyn kula kulannay Cali Baarrey oo ah sugaanyahan, macallin iyo odhay-dhaqameed. Dhegaysi wacan! Support the show
Fri, 11 Aug 2023 - 433 - SE07EP09 Qays Qeyser
Send us Fan Mail Qofku safarka wuu isku bartaa, dadkana wuu ku bartaa, Qays Qeyser ayaynu kala sheekaysan doonnaa naftiisa, ta dadka kale iyo riyooyinkiisaba. Dhegaysi wacan! Support the show
Fri, 07 Jul 2023 - 432 - SE07EP08 Waa Layga Guursaday 12
Send us Fan Mail Waa barnaamijkeennii taxanaha ahaa ee "Waa Layga Guursaday", qaybtiisii 12-aad. Dhegaysi wacan! Support the show
Fri, 16 Jun 2023 - 431 - SE07EP07 Silsiladda Jacaylka ee Muxubbo-Heellood
Send us Fan Mail Silsiladda jacaylka ee Muxubbo-Heellood waxa dalka Hindiya ka bilaabay Abwaan Haldeeq. Dhegaysi wacan! Support the show
Fri, 09 Jun 2023 - 430 - SE07EP06 Caweyska Burco
Send us Fan Mail Waxa aannu dadweyne tiro badan ku caweynay magaalada Burco. Daawasho wacan! Support the show
Fri, 02 Jun 2023 - 429 - SE07EP05 Halista Qaabnololeedka Soomaalida
Send us Fan Mail Maxaa iska beddelay qaabnololeeda Soomaalida? Mustafe Maxamed Cali waxa uu ku takhasusay daawooyinka. Dhegaysi wacan! Support the show
Thu, 01 Jun 2023 - 428 - SE07EP04 Cabdi Ciise Cajuun
Send us Fan Mail Fanka, suugaanta, saxaafadda, jacaylka, degaanka Darroor, xerta timaweynta.. Cabdi Ciise Cajuun. Dhegaysi wacan! Support the show
Fri, 12 May 2023 - 427 - SE07EP03 Gaalkacyo: Isbaaradu Waa Qalbiga
Send us Fan Mail Barnaamijkan waxa aynu ku dhegaysan doonnaa laba halyey oo naftooda u huray sidii ay dadkooda wanaag iyo jacayl uga dhex abuuri lahaayeen. Waa laba jiil oo ay shaqadoodu midaysay, yoolkooduna mid yahay. Dhegaysi wacan! Support the show
Mon, 01 May 2023 - 426 - SE07EP02 Waa Layga Guursaday 11
Send us Fan Mail Waa barnaamijkeennii taxanaha ahaa ee "Waa Layga Guursaday", qaybtiisii 11-aad. Dhegaysi wacan. Support the show
Sat, 04 Mar 2023 - 425 - SE07EP01 Bandhigga Hangoolka
Send us Fan Mail ”Bandhigga Hangoolka” iyo daahfurka madasha la yidhaa Fankeenna. Dhegaysi wacan! Support the show
Fri, 24 Feb 2023 - 424 - SE06EP08 Filmmaking: Soomaalida & Tebinta Sheekada
Send us Fan Mail Hababka ugu saamaynta badan ee sheekooyinka loo tebiyo waxa ka mid ah samaynta filimada. Soomaalida iyo adeegsiga filimaanta ayaynu kala sheekaysanaynaa labada Soosaare ee Maan Yuusuf iyo Khaalid Siciid. Dhegaysi wacan! Support the show
Fri, 04 Nov 2022 - 423 - SE06EP07 Udbaha Nolosha
Send us Fan Mail Cabdirixiin Siddiiq "Heello" waa halabuur maansayahan ah, halkan waxa uu kaga hadlayaa maansada iyo noocyadeeda guud ahaan, gaar ahaanna maansadiisa "Udbaha Nolosha". Dhegaysi wacan! Support the show
Sun, 09 Oct 2022 - 422 - SE06EP05 Gabboodfallada Caafimaadka
Send us Fan Mail Gabboodfallada caafimaadku waa maxay? Sidee loo maareeyaa marka khalad dhaco, dhibbanaha maxaa la gudboon, ma se jiraa xeer caafimaad oo dalka u yaal? Ma laga ganacsan karaa caafimaadka iyo daawooyinka, yaa se hubinaya tayadooda? Dhegaysi wacan! Support the show
Sat, 24 Sep 2022 - 421 - SE06EP04 Waa Layga Guursaday 10
Send us Fan Mail Waa barnaamijkeennii taxanaha ahaa ee Waa Layga Guursaday, qaybtiisii 10-aad. Dhegaysi wacan! Support the show
Fri, 16 Sep 2022 - 420 - SE06EP03 - Jawaab Baan Baadhayaa
Send us Fan Mail Haddii aad warbaahinta ka shaqaynaysay labaatankii sanno ee u dambeeyay, sidee ayaad u arki lahayd isbeddelkeeda joogtada ah? Sidoo kale, Axmed Cismaan Batuun waa abwaan curiya suugaanta, bulshadana qaybaheeda kala duwan u wacyigeliya hab uu jiil kastaa fahmayo. Dhegaysi wacan! Support the show
Fri, 09 Sep 2022 - 419 - SE06EP02 - Hadraawi
Send us Fan Mail Qof kasta oo i naga mid ah, Hadraawi wax ayuu u ahaa, kaalin ayuu igu jirey. Prof. Bulxan, Rooble Cabdi Muuse iyo Xasan Maxamed Yuusuf oo midba dhan ka eegi doono maansadii iyo shakhsiyaddii Hadraawi, ayaa ka warrami doona. Dhegaysi wacan! Support the show
Tue, 30 Aug 2022 - 418 - SE06EP01 Damiirka Anaa Iska Leh
Send us Fan Mail Waa kalkii 6-aad iyo qaybta kowaad oo aynu la sheekaysan doonno Guddoomiyaha Xiddigaha Geeska, Cabdiraxmaan Cismaan ”Xaaji”. Dhegaysi wacan! Support the show
Sun, 21 Aug 2022 - 417 - SE05EP12 Fan iyo Fannaan
Send us Fan Mail Cumar Seerbiya waa weriye wakhti badan geliyey baadhista fanka iyo fannaanka Soomaalida. Waxa aannu kala sheekaysannay waxa loogu yeedho fanka reer magaalka, bilowgiisii, aragtida bulshada iyo maanta halka uu marayo. Dhegaysi wacan! Support the show
Sat, 18 Jun 2022 - 416 - SE05EP11 Waa Layga Guursaday 9
Send us Fan Mail Waa qaybtii sagaalaad ee taxanaheennii Waa Layga Guursaday. Dhegaysi wacan! Support the show
Fri, 10 Jun 2022 - 415 - SE05EP10 Maxaa Dookhii Ku Dhacay?
Send us Fan Mail Waxa aynu la sheekaysan doonnaa Ayaan Axmed Caydiid ”Kaab” oo ka warrami doonta suugaanteeda kaftanka iyo maadda huwan iyo ujeeddooyinka ay u tiriso. Support the show
Fri, 03 Jun 2022 - 414 - SE05EP09 Isbedellada Nidaamka Caafimaadka
Send us Fan Mail Nidaamka caafimaadka ee caalamiga ahi sidee ayuu u shaqeeyaa, maxaa se saameeya? Siyaasad ma ka madhan yahay, sidee ayuu se xidhiidh ula leeyahay ka dalalku gaarka u leeyihiin? Dr. Cabdishakuur Cali Maxamed ayaa ka warramaya taariikhda caafimaadka adduunka iyo halka uu maanta marayo. Dhegaysi wacan! Support the show
Fri, 27 May 2022 - 413 - SE05EP08 Waa Layga Guursaday 8
Send us Fan Mail Waa barnaamijkeennii WLG, qaybtiisii 8-aad. Qaybtan waxa aynu ku wadaagi doonnaa laba sheeko oo ay soo gudbiyeen laba gabdhood. Labadan sheeko waxa la kala yidhaa "Allow Hargab Ka Dhig" iyo "Inantu Aniga Ma Aha". Dhegaysi wacan! Support the show
Fri, 20 May 2022 - 412 - SE05EP07 Kalkaalisadii Horumarisay Finland
Send us Fan Mail Laba sanno gudahood ayay ku beddeshay nolosha kumannaan qof, sidoo kalena ay ku samaysay dhaqaale dhawr milyan oo doollar ah. Fadumo Faysal Cali ”Waraabe” waa kalkaaliso aasaastay shirkad u adeegta bukaanka iyo inta jilicsan ee dalka Finland. Dhegaysi wacan! Support the show
Fri, 13 May 2022 - 411 - SE05EP06 Ciid Wanaagsan
Send us Fan Mail Carruurnimadaadii, sidee ayaad u ciidi jirtey? Su'aashan ayaannu weydiinnay ehel iyo asxaab kala duwan oo maanta ku ciidayay magaalada Hargeysa. Dhegaysi wacan! Support the show
Mon, 02 May 2022 - 410 - SE05EP05 Dalxiiskii Riyada
Send us Fan Mail Ridwaan Iid "Hilawle" waa halabuur curiya suugaanta, sameeya laxammada heesaha, sidoo kalena ku luuqeeya cod aad loo jeclaysto. Dhegaysi wacan! Support the show
Fri, 29 Apr 2022 - 409 - SE05EP4 Digrigii Xubbiga
Send us Fan Mail Waa silsilad-suugaaneed ka dhalatay geeri naxdin leh oo kala geysay lammaane ku ballansanaa in ay is guursadaan. Dhacdadan iyo suugaanta ka dhalatayba halkan ka dhegayso. Support the show
Fri, 22 Apr 2022 - 408 - SE05EP03 Waa Layga Guursaday 7
Send us Fan Mail Waa qaybtii toddobaad ee barnaamijkeennii taxanaha ahaa ee "Waa Layga Guursaday". Qaybtan waxa aynu ka boganaynaa sheekada lammaane kala jooga Hargeysa iyo Jigjiga. Dhegaysi wacan! Support the show
Mon, 18 Apr 2022 - 407 - SE05EP02 Jilaaga Filinka Xaaska Xabaalqodaha
Send us Fan Mail Cumar Cabdi Nuux waa jilaaga filinka caanka ah ee sannadkii u dambeeyay adduunka qabsaday. Waxa aannu kala sheekaysannay hayaankiisa jilaanimo, dariiqii loo maray filinkan u dambeeyay iyo guud ahaan waayaha ku gedaaman curinta filimaanta Soomaalida. Dhegaysi wacan! Support the show
Fri, 15 Apr 2022 - 406 - SE05EP01 Saamaynta Maalka & Maanka ee Dabka Hargeysa
Send us Fan Mail Saamayn dhaqaale oo muuqata ayuu dabkii Hargeysa ku yeeshay shacabka. Sidoo kale mid maskaxeed ma ku yeelan karaa? Sidee looga soo kabtaa labadaas? Waxa faahfaahin ka bixinaya Ugbaad Axmed Xaashi iyo Dr. Axmed Cabdi Xirsi. Dhegaysi wacan! Support the show
Fri, 08 Apr 2022 - 405 - SE04EP15 Deegaanka & Duurjoogta: Huda Cali Banfas
Send us Fan Mail Waa barnaamijka Deegaanka & Duurjoogta. Waxa aan xaaladda duurjoogta dalka kala sheekaystay Huda Cali Banfas oo shaqadeedu tahay badbaadada iyo daryeelka duurjoogta. Dhegaysi wacan! Support the show
Fri, 10 Dec 2021 - 404 - SE04EP14: Fanka & Suugaanta: Cabdirixiin Siddiiq "Heello"
Send us Fan Mail Waa barnaamijka Fanka & Suugaanta oo uu markan marti ku yahay Cabdirixiin Siddiiq "Heello". Dhegaysi wacan! Support the show
Fri, 19 Nov 2021 - 403 - SE04EP13 Fanka & Suugaanta: Cawaale Deeqsi
Send us Fan Mail Waa barnaamijkii kowaad ee ku baxa maqal & muuqaal. Qaybtani waa dhegaysi, haddii aad doonayso in aad daawato qaybtan, booqo boggayaga Youtube, adiga oo ku baadhaya magaca Codka Ubax. Barnaamijka Fanka & Suugaanta oo taxane ah waxa marti ku ah Cawaale Deeqsi. Dhegaysi/daawasho wacan! Support the show
Fri, 05 Nov 2021 - 402 - SE04EP12 Waa Layga Guursaday 6
Send us Fan Mail Waa qaybtii lixaad ee taxaneheennii "Waa Layga Guursaday". Qaybtan waxa aynu ku soo qaadanaynaa laba sheeko, ta kowaad waxa la yidhaa ”Islaan Baan Qalayay”, ta labaadna ”Igu Labee”. Dhegaysi wacan! Support the show
Fri, 24 Sep 2021 - 401 - SE04EP11 Makhaayadda Hablaha - Rinkeby
Send us Fan Mail Badhtamaha xaafadda ugu hadalhaynta badan magaalada Stockholm, marka ay noqoto dhanka rabshadaha, waxa ku taalla makhaayad nooceedu ku yar yahay ogaalka dadka. Waa makhaayad la yidhaa Tast of Africa oo loo furay dumarka oo keli ah. Waxa aan la sheekaystay mulkiilaha, Ubax Cumar Toosh. Dhegaysi wacan! Support the show
Fri, 10 Sep 2021 - 400 - SE04EP10 Noocyada Jacaylka & Aragtida Suugaanyahanka
Send us Fan Mail Jacaylku waa maxay, imisa nooc ayuu u qaybsamaa, ma daruuri baa in wax la jeclaado mise waa dookh, ragga iyo dumarka sidee ayuu u kala saameeyaa, waa se maxay aragtida suugaanyahanka ee jacaylku? Waxa aan la sheekaystay Mawliid Aadan Biixi oo ah Qoraa iyo Suugaanyahan ku xeel dheer dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida. Dhegaysi wacan! Support the show
Fri, 20 Aug 2021 - 399 - SE04EP09 Waa Layga Guursaday 5
Send us Fan Mail Waa qaybtii shanaad ee tanaxanihii "Waa Layga Guursaday". Qaybtan waxa aynu ku soo qaadanaynaa laba sheeko oo la kala yidhaa, "Hooyaa i Tidhi ha Guursan" iyo "Sannad Baan is Qabnay." Dhegaysi wacan! Support the show
Fri, 13 Aug 2021 - 398 - SE04EP08 Ciid Wanaagsan
Send us Fan Mail CIID WANAAGSAN - Waxa barnaamijkan daaddihinaya Abwaan Cabdillaahi Xasan Ganey, waxana ka mid ah dadka ka qaybqaadanaya, Faysal Xawaase, Xasan Waddo, Mubaarig Qoorubaxay, Khaliif Faarax Xayir iyo Samatar Siciid Saalax. Dhegaysi wacan! Support the show
Fri, 23 Jul 2021 - 397 - SE04EP07 Gefka Jacaylka ka Daaya
Send us Fan Mail Abwaan Keyse Maxamed "Galaydh" waa gabyaa ka maansooda nolosha qaybaheeda kala duwan. Isaga oo safar ah, ka yimid Jigjiga, una socda Burco, ayaannu ku sheekaysannay Hargeysa, suugaantiisa dhanka jacaylka iyo waxbarashadana ku wadaagnay. Dhegaysi habboon! Support the show
Fri, 09 Jul 2021 - 396 - SE04EP06 Jawhar: Jidkii Dheeraa ee Saxaafadda
Send us Fan Mail Wax ka baro magaalada Jawhar oo ah halka uu ku dhashay Siciid Xagaa Afrax. Siciid oo saxaafadda ku jirey muddo 20 sannadood ah, waxa uu ka warramayaa jabkii uu u soo maray mihnaddiisa iyo sidii uu uga gudbay caqabadahaas. Dhegaysi wacan! Support the show
Fri, 02 Jul 2021 - 395 - SE04EP05 La Dalxiis Codka Ubax: Ceerigaabo 2
Send us Fan Mail Waa qaybtii labaad ee barnaamijkii dalxiiska ee Ceerigaabo. Qaybtan waxa aynu ku tegi doonnaa buurta Daalo. Waxa aynu subax hore ka bixi doonnaa magaalada Ceerigaabo, innaga oo ka sii quraacan doonna tuulada Karin. Waxa safarka hage ka ah Cabdirisaaq iyo Khadiija. Dhegaysi wacan! Support the show
Fri, 25 Jun 2021 - 394 - SE04EP04 La Dalxiis Codka Ubax: Ceerigaabo 1
Send us Fan Mail Waxa aannu dalxiis ku tegaynaa gobolka Sanaag, gaar ahaan magaalada Ceerigaabo iyo Buurta Daalo. Barnaamijku waa laba qaybood. Qaybta labaad waxa ay ku soo bixi doontaa barnaamijka kan xiga. Nala dalxiis. Dhegaysi wacan! Support the show
Fri, 18 Jun 2021 - 393 - SE04EP03 Waa Layga Guursaday 4
Send us Fan Mail Waa barnaamijkeennii taxanaha ahaa ee "Waa Layga Guursaday" qaybtiisii afraad. Waxa qaybtan ku jira labada sheeko ee la kala yidhaa "Jacayl-ku-xigeen" iyo "Wuu Iga Adkaa". Dhegaysi wacan! Support the show
Fri, 04 Jun 2021 - 392 - SE04EP02 Nidaamka Doorasho ee Somaliland
Send us Fan Mail Dhallinyar badan oo ay da’doodu ka yar tahay 31 jir, ayaa markii u horreysay noloshooda codayn doona oo soo dooran doona Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland. Sidoo kale waxa isla mar dhacaysa doorashada Golaha Deegaanka. Barnaamijkan oo aqoonkorodhsi ah, waxa aynu ku eegi doonna taariikhda doorashooyinka Somaliland iyo marxaladaha ay soo mareen. Sidee loo qaybiyaa 82-ka kursi ee Wakiillada? Doorashadani maxay kaga duwan tahay kuwii hore? In reernimo la isku soo xulo, ...
Fri, 28 May 2021 - 391 - SE04EP01 Guurso Inta Aanad Bac Yeelan
Send us Fan Mail Quruxda iyo degganaanshaha reerku waxa uu ku xidhan yahay isfahan dheeraad ah oo ka dhasha wadahadal iyo in si joogto ah la isu waraysto. Waxa aan Rooble Maxamed kala sheekaystay derajooyinka guurka ka horreeya iyo kuwa guurka laftiisa, sidii ay ahaan jireen iyo maanta sida ay yihiin. Dhegaysi wacan! Support the show
Fri, 21 May 2021 - 390 - SE03EP14 La Cawee Codka Ubax
Send us Fan Mail Waa maalin Jimce ah, waxa aannu ku sugan nahay beer ka mid ah beeraha waaweyn ee degmada Arabsiyo. Waxa Codka Ubax si gaar ah ugu heesaya fannaaniinta kala ah Farxiya Fiska, Mahad Gelin Hore, Yurub Geenyo iyo Cabdi Yare. Cuudka waxa tumaya Nuuradiin Cali Amaan iyo Mustafe Cabdiqays, darbuugaddu waa Cali Aanso. Nala cawee. Dhegaysi wacan! Support the show
Fri, 09 Apr 2021 - 389 - SE3EP13 Hiilka Ubadka Baahiyaha Gaarka Ah Leh
Send us Fan Mail Maxaa looga jeedaa baahiyaha gaarka ah, weli se ma is weydiisay inta nooc ee ay u qaybsamaan. Waxa laga yaabaa in aynu u naqaanno dadka aan laxaadkoodu dhammayn, gaar ahaan kuwa aynu muuqaalkooda ka garan karno oo keli ah. Balse ma og tahay in baahiyaha gaarka ah kuwooda ugu badani aanay qofka muuqaalkiisa ka muuqan. Cabdishakuur Maxamed Cabdi oo muddo dheer u dagaallamayay xuquuqda carruurta dugsiyada dhigta ee leh baahiyaha gaarka ah, ayaannu ka waraysannay. Dhegaysi wacan!...
Fri, 02 Apr 2021 - 388 - SE03EP12 Waa Layga Guursaday 3
Send us Fan Mail Waa qaybtii saddexaad ee taxanaheennii "Waa Layga Guursaday". Qaybtan waxa aynu ku eegaynaa laba sheeko oo la kala yidhaa "Hooyaan Noolayn" iyo "Beerlula". Dhegaysi wacan! Support the show
Fri, 26 Mar 2021 - 387 - SE03EP11 Himilada Ciyaaraha Hablaha
Send us Fan Mail In bulshadu, rag iyo dumarba, yeelato goobo ay ku dadkeedu ku ciyaaraan, kuna jimicsadaan, waxa ay korisaa caafimaadkeedka jidheed iyo bedqabkeeda maskaxeed, labadaba. Haddaba, maxay tahay sababta bulshada lafteedu indho gaar ah ugu eegto hablaha ciyaara kubbadaha kala duwan? Sidee ayaa se looga dhigi karaa ciyaaraha hablaha, kuwo aan laga qaloon? Ayaan Maxamed waxa ay tababare u tahay hablo gaadhaya 100, kala joogana gobollo kala duwan. Dhegaysi wacan! Support the show
Fri, 19 Mar 2021 - 386 - SE03EP10 Ayeeyo Xaawa Ismaaciil
Send us Fan Mail Aan idin baro ayeeyday Xaawa Ismaaciil. Ayeeyo waa qofka aan doonayo in aan u dabbaaldego bishan haweenka awgeed. Ma aha oo keli ah tiirka ugu weyn ee maanta lagu faano, balse aniga waa ii halyey. Ayeeyo da’deedu waa 81, waxana ay carruurteedu marayaan afar jiil. Tirada ubadka ay dhashay iyo dhashoodu, waa 51 qof. Waxa ay iiga warramaysaa waayaheedii dhallaannimo, jiilashii iyada ka horreeyay iyo dabcan sidii xaalku ahaa wakhtigeedii. Dhegaysi wacan! Support the show
Sat, 13 Mar 2021 - 385 - SE03EP09 Xidhiidhka Afka & Dhaqanka
Send us Fan Mail Xidhiidh noocee ah ayaa ka dhexeeya afka iyo dhaqanka, sidee ayaanay isu saameeyaan? Dhaqanku weligii meeshiisa taagnaan maayo, ayuu qabaa Dr. Xuseen Saleebaan. Cabdi Gurey waxa uu leeyahay, afku marxalado badan ayuu soo maray, muhiimadduna waa in ereyada cusubi aanay meesha ka saarin kuwii Soomaaliga ahaa. Balse si afka loo ilaaliyo, waa in dadka qurbaha ka imanaya ee afku ku adag yahay aan lagu qoslin, lana faquuqin, waa sida ay Hibaaq Cali qabto. Dhegaysi wacan! Support th...
Sat, 27 Feb 2021 - 384 - SE03EP08 Digtoorkii Bajaajta
Send us Fan Mail Qof aad si kedis ah ula kulantay oo aad ka heshay, sidaasna aad ku kala lunteen, sideed ku heli lahayd? Dareenka noocan ahi waxa uu ku kooban yahay qof keli ah, mana sahlana sida dareenkaas loo la noolaadaa. Sheekadan waxa ila wadaagtay inan ka mid ah dhegaystayaasha Codka Ubax. Dhegaysi wacan! Support the show
Fri, 19 Feb 2021 - 383 - SE03EP07 Caweyska Hargeysa & Galaydh
Send us Fan Mail Maxamed Galaydh waa suugaanyahan ka mid ah dadka aan xiiseeyo in aan wakhti la qaato, mar kasta oo aannu isu nimaadnana aannu fikirro is weydaarsanno, wakhtigana illowno. Caweyskan aannu Hargeysa ku wada qaadannay, waxa uu isaga gudbayaa mawduucyada nolosha intooda aan jeclahay oo dhan. Ila dhegayso! Support the show
Fri, 12 Feb 2021 - 382 - SE03EP06 Yaad Ku Dayataa?
Send us Fan Mail Dhiirrigelinta dhallinyarada, waa tiir ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee uu ku taagan yahay Codka Ubax. Barnaamijkan waxa aynu ku eegi doonnaa sifooyinka saxda ah ee ay tahay in uu lahaado qofka aynu ku dayanaynaa. Waxa mawduucan soo jeedinaya Mudane Maxamed Cumar Carte. Dhegaysi wacan! Support the show
Fri, 29 Jan 2021 - 381 - SE03EP05 Waa Layga Guursaday 2
Send us Fan Mail Siyaabo kala duwan ayay isu waayi karaan labada is jeceli. Waxa ka mid ah faragelin waalid, duruufo bulsho ama isfahandarro labada dhinac ah. Waa barnaamijkii labaad ee taxanaha #WaaLaygaGuursaday. Dhegaysi wacan! Support the show
Fri, 22 Jan 2021 - 380 - SE03EP04 Doorka Saxaafadda ee Horumarinta Bulshada
Send us Fan Mail Saxaafaddu waxa ay door weyn ku leedahay horumarinta iyo dhismaha bulshada. Waa barta laga hago ummadda, laga toosiyo hoggaanka, laguna kaydiyo sooyaalka ummadeed. Haddaba waxyaabaha curyaamiya maxaa ka mid ah, sidoo kale diintu maxay ka qabtaa in dano kale la hoos gashado werinta dhacdooyinka? Waxa ila jooga weriye Siddiiq Maxamed Burmad. Dhegaysi wacan! Support the show
Fri, 15 Jan 2021 - 379 - SE03EP03 Mustaqbalka Ganacsiyada Yaryar: Adeegsiga Tiknoolajiyadda iyo Saamayntooda Dhaqaale
Send us Fan Mail Waa barnaamijkii labaad ee taxanaha barnaamijyada aynu ku eegayno ganacsatada yaryar ee bilowga ah. BarnaamijkanI waxa uu diiradda saari doonaa habka ganacsiyada yaryari wax uga bedDeli karaan mustaqbalka dalka iyo sida ay u soo kordhin karaan halabuur tiknoolajiyeed. Waxa ila jooga Axmed Cali iyo Cabdifataax Suldaan. Dhegaysi wacan! Support the show
Tue, 12 Jan 2021 - 378 - SE03EP02 Dhallinyarada & Bilowga Ganacsiga: Fursadaha & Caqabadaha
Send us Fan Mail Waa barnaamijka kowaad ee taxanaha aynu kaga hadli doonno dhallinyarada iyo ganacsiyada yaryar. Qaybtan waxa aynu ku eegaynaa fursadaha iyo caqabadaha hor yaalla dhallinyarada doonaya in ay la yimaaddaan halabuur ganacsi. Waxa ila jooga Xasan Gaadh-haye iyo Aasiya Siciid. Support the show
Fri, 08 Jan 2021 - 377 - SE03EP01 Sannadguurada Kowaad ee Codka Ubax
Send us Fan Mail Waa sannad cusub iyo Season 3. Waxa aannu dib u eegaynaa sannadkii tegay iyo barnaamijyadii baxay sannadkaas. Sidoo kale waxa aannu eegaynaa filashada sannadka soo socda, haddii Eebbe idmo. Waxa ila fadhiya Cawaale Deeqsi, Hibaaq Larry iyo Shukri Nuur. Dhegaysi wacan! Support the show
Tue, 05 Jan 2021 - 376 - SE02EP20 Suugaanta Weedhsame & Noocyadeeda
Send us Fan Mail Abwaan Weedhsame waxa uu macallin ahaa in ka badan 15 sanno, sidee macallinnimadiisu u saamaysaa suugaanta uu abuuro? Sidoo kale xidhiidh noocee ah ayaa ka dhexeeya suugaanta abwaan Weedhsame iyo xiddigaha sare? Siyaasadda ma khasab baa in laga maansoodo, se goorma ayuu ka caafimaaday jacaylkii dhawrka sanno dul degganaa? Dhegaysi wacan! Support the show
Fri, 11 Dec 2020 - 375 - SE02EP19 Tabaha Hagidda Bulshada
Send us Fan Mail Hababka ugu saamaynta badan ee wax loo gudbiyo waxa ka mid ah habka maadda iyo qosolka. Sooraan Ismaaciil waxa uu ku suntan yahay, dedaal badanna geliyaa hagidda bulshada, isaga oo u maraya jidkaa aynu hore u soo sheegnay. Waxaannu ku sheekaysannay magaalada Hargeysa. Dhegaysi wacan! Support the show
Fri, 04 Dec 2020 - 374 - SE02EP18 Dhisidda Kalsoonida Qoyska
Send us Fan Mail Hadalhaynta tusaalayaasha togan ayaa inta badan ka saamayn iyo waxtar badan buunbuuninta mushkiladaha taagan. Wax badan ayaynu aragnaa sheekooyinka taban ee qoysaska Soomaalida, waxa se muhiim ah in sidoo kale xoogga la saaro sootebinta kuwa guulaystay. Waxa ila jooga lammaanaha Mahad Jaamac Koronto iyo Warda-Sagal Axmed Rooble. Dhegaysi wacan! Support the show
Fri, 27 Nov 2020 - 373 - SE02EP17 Jacaylka & Nacasnimada Maxaa Ka Dhexeeya?
Send us Fan Mail Marka jacayl dhab ahi ku hayo, waxa kaa tegaya go'aanka. Waxa kugu badanaya dabacsanaanta iyo u hoggaansamidda xaalado aanad beryaha qaar oggolaateen, wax walbana in aad tunka saarato ayaa suurtagal ah. Dr. Axmed Cali "Cantar" ayaannu ka sheekaysannay mawduucan iyo heesihiisaba. Dhegaysi wacan! Support the show
Fri, 20 Nov 2020 - 372 - SE02EP16 Maxamed M. Cabdi "Haykal"
Send us Fan Mail Inta badan dhaqanka miyiga iyo Soomaalidii hore waxa aynu ku eegnaa indho kalgacayl leh, tusaalooyin badan oo toganna waynu u soo qaadannaa. Dhaqankaasi, saamayn noocee ah ayuu ku leeyahay nolosheenna maanta, xumaan iyo samaanba? Abwaan Haykal ayaa ila wadaagaya xikmad iyo suugaanba. Dhegaysi wacan! Support the show
Fri, 13 Nov 2020 - 371 - SE02EP15 Cabdillaahi Xasan Ganey
Send us Fan Mail Waa maxay xidhiidhka ka dhexeeya suugaanta Abwaan Cabdillaahi Xasan Ganey iyo waxbarashadiisa, sidee ayay se isu la fal galaan? Heesihiisa oo 70 kor u dhaafay, kuwee ayaad ka taqaannaa, sidoo kale suugaanta Soomaalida iyo aayaheeda dambe muxuu ka yidhi? Waxa aad ku maqli doontaa hees cusub oo uu abwaanku hadda soo saaray. Dhegaysi wacan! Support the show
Fri, 06 Nov 2020
Podcasts semelhantes a Codka Ubax
El Partidazo de COPE COPE
Herrera en COPE COPE
La Linterna COPE
Es la Mañana de Federico esRadio
La noche de Cuesta esRadio
La Trinchera de Llamas esRadio
Hondelatte Raconte Europe 1
Affaires sensibles France Inter
LEGEND Guillaume Pley
El colegio invisible OndaCero
La Rosa de los Vientos OndaCero
Les grands dossiers de l'Histoire par Franck Ferrand Radio Classique
Espacio en blanco Radio Nacional
Entrez dans l'Histoire RTL
Le grand récit RTL
Les Grosses Têtes RTL
L'Heure Du Crime RTL
Parlons-nous RTL
El Larguero SER Podcast
Nadie Sabe Nada SER Podcast
SER Historia SER Podcast
Todo Concostrina SER Podcast
Un Libro Una Hora SER Podcast
HISTORIAS DE LA HISTORIA VIVA RADIO
