Filtrar por gênero
Magacaygu waa Nasreen Sallah; waxaan aad u daneeyaa arimaha ku saabsan wacyiga ruuxda, cilmiyada la xidhiidhka bulshada, Qaangaadhnimada maskaxda, wax ka barashada khibradaha nolosha, wax-yaalaha ku saabsan ibnu-aadamtinimada, walaalnimada, is jacaylka, daganaan-shiyaha, noolaan-shiyaha iyo nabad gudeedka.
podcastkan waxa aan idin kula wadaagi doonaa si qoto dheer qisooyinka noloshayda ee aan wax ka bartay iyo kuwa aan wax ka baran doono ee ogaalkiina wax ku dari doona.
Waxa aan kaga hadli doonaa muhiimada ay leedahay in aynu noolaano xaqiiqadeena, in aynu aqbalno abuurkeena iyo in aynu baadi goobanno duwanaan-shiyaheena, si aynu ugu noolaano nolol isku miisaaman, farxad leh, daganaanshiyo leh oo ilaahay raali ka yahay, nafteenuna raali ku tahay.
"Talo waliba waxay ka iman doontaa qalbigeyga".
- 24 - EPO3 Xasuusin iyo xasilooni| Naftaada ka saamax doorashooyinkii qaldanaa!Sun, 05 May 2024
- 23 - EPO2 Xasuusin iyo xasilooni| Dadka ka fagoow fogaanshiyo qurux badan.
Qofka aydun dhaqan ahaan is af-garan waydeen ama si uun aydun nolosha ugu sii wada midoobi kari waydeen “واهجرهم هجرا جميلا “. Haajiraad qurux badan ka haajir ka fogaanshiyo qurux leh ka fagoow, masaafo nadiifana u jirso.
Xasuusinta xalqadan.Afkaagu ruuxii uu waangiisa tirinayay shalay, Maanta isla afkaagii yuu xumaantiisa tirinin.
Dadka sikale, wakhti kale iyo waayo kaleba waydin kulmin doonaane. Salam. 💚🍃
Tue, 30 Apr 2024 - 22 - EPO1 Xasuusin iyo xasilooni| Raali-galinta dadka.
Xasuusinta xalqadan
Bani aadamka awoodiisa waa la xadiday, waala xadeeyay waana la xakameeyay. Wixii se aad iinsaan ka heli waydo ilaahay xagiisa ka doono, ilaahay xagiisa ka raadso, ilaahayna xagiisana ka baadi doono.
Waa ilaaha iska leh sifada kamaalka, dhamaystirnaanta, iyo isleekaanshiyaha.Waa rabiga aan agtiisa waxba laga waayin, agtiisa waxba laynagu yeelin. Talo saarashadiisana badbaada aynu bidno oo aynaan ku hungoobin.
Ugu dambayn
Waxkaste aynu kala doono oo aynu hadana kala wayno ee wanaag ah, rabbi baa leh oo awoodooda bixiya, ee xasuuso.
Thu, 25 Apr 2024 - 21 - Maxaynu uga baahanahay in aynu garab kala helno? |Taageerada maskaxda iyo Qur.aanka | Mental support.
Fariimaha yar yar ee aynu helno ayaamaha aynu ugu baahida badannahay laabteena waxbay taraan oo meesha inagu bannaan ayay badh gufeeyaan oo dhaxan tiraan. Si taa la mid ah dadyowga aynu garabka erayadeena iyo wehelnimadeena ku siino ayaamaha nugeyl-koodana meel bay u buuxiyaan aanu garanahaynin ruuxa baahida u qaba mooyee ruux kale oo dibada ka taagani.
Garab kala hela wakhtiyada adag🧡Fri, 22 Mar 2024 - 20 - Talooyin gabdhaha quseeya 🌸Mon, 11 Mar 2024
- 19 - 12 qodob oo kaa caawin doona u diyaar garawga bisha ramadaan.Sun, 03 Mar 2024
- 18 - Waa maxay sababta aynu wax u raagsano, marka aynu helno wixii aynu raagsanayna uga xiiso dhacno helida kadib?Wed, 21 Feb 2024
- 17 - Codka gudaha| الصوت الداخلي | Qalbiga iyo caqliga midkee go.aanka laga gaadhaa?Xalqadan waxa aan kaga hadlay Codka guduhu waxa uu yahay, qaybihiisa, noocyada uu u kala baxo, saamaynta uu inagu yeelan karayo ee togan iyo saamaynta uu inagu yeelan karayo ee taban.
Waxa aan kaga hadlay caqliga iyo qalbiga codadkooda, kala duwanaan-shiyahooda iyo go.aan qaadashada. ugu dambayn waxa aan kaga hadlay muhiimada ay leedahay in aad iska xakamayso codka gudaha ee taban, kana war-qabto xiliga iyo xaalada uu caqligaaga qaybta dahsooni kugu dafcinayo in aad is canaanato.Mon, 12 Feb 2024 - 16 - Garaadka caadifada|الذكاء العاطفي |xirfada fahamka iyo la dhaqanka naftaada iyo nafaha dadka kugu xeeran.
Xalqadan waxa aan kaga hadlay waxa loo yaqaan Garaadka caadifada
Emotional intelligence, garaadka caadifadu waa xirfada fahamka, la dhaqanka, maamulka, maaraynta, xakamaynta iyo af-garadka naftaada, nafaha dadka kugu xeeran ee ah dadyawga aad inta u badan la dhaqmayso iyo sidoo kale xirfada fahamka iyo wacyi u yeelasha a nolosha.
waxyaalo mawduucan quseeya ayaan kaga hadlay xalqadan dhagaysi wanaagsan.Sun, 04 Feb 2024 - 15 - Maxaan ka bartay aayadaha ugu horeeya suuratul baqra| Muhiimada Qur.aanka
Ruuxdaada cibaadada iyo qur.aanka ku ilaali, marxalada dhalinyarnimadana ilaahay xadhigiisa adkee
Xalqadan waxaan kaga hadlay faa.idooyinka qur.aanka. Waxaan kaga hadlay wax-yaalo aan ka bartay aayadaha ugu horeeya suuratul baqra. Waxaan kaga hadlay marxalda dhalinyarnimada iyo dhibteeda, waxaan kaga hadlay toosnaanta, dhawrsoonaanta iyo hanuunkaba in rabbi cidda uu doono uu waafajiyo.
Mon, 22 Jan 2024 - 14 - Ka kabashada dhaawacyada caruurnimo| healing from childhood trauma.
Xalqadan waxa aan kaga hadlay 8 wax oo aasaas u ah ka kabashada dhaawacyada caruurnimo, sidoo kale waxa aan kaga hadlay labada dhaawac ee ina soo gaadhi karaya oo kala ah ka waynaanimo inagu soo gaadhi karaya iyo ka caruurnimo inagu soo gaadhi karaya.
Waxaan kaga hadlay sida ay saamayn inoogu yeelan karayaan labaduba iyo sida uu uga saamayn xoogan yahay dhaawaca yaraanimo laynoogu gaystaa’ dhaawaca waynaanimo inagu gaadha. Sidoo kale waxaan kaga hadlay sida ay tahay in aad dhaawacyadaa ula dhaqantid iyo sidoo kale talaabooyinka ugu horeeya ee ad kaga bogsan kartid.
Xasuusin
Hadii aad dareemayso in dhaawaca yaraanimo kugu soo gaadhay uu saamayn aad ah kugu hayo xad aad ka fakarayso in aad is disho ama aad dhimato fadlan dhakhtar, la taliye, ama qof aqoon u leh oo therapy kuu sameeya la xidhiidh .Sun, 14 Jan 2024 - 13 - Qaybteena caruurnimo iyo dhaawacyadii yaraanimo| Waa maxay qaybtaada caruurnimo | inner child
Xalqadan waxa aan kaga hadlay qaybteen caruurnimo [ inner child ]. الطفل الداخلي
Waxa ay tahay qaybteena caruurnimo iyo dhaqamada ama afcaasha lagu garto, Meelaha aynu kaga dhaqano iyo cida aynu kula dhaqmi kartno. Waxa kaloon kaga hadlay dhaawaca yaraanimo inagu soo gaadhaa sida uu nolosheena u saamaynayo sidoo kalena qaybteena caruurnimo uu u saamayn karayo.Xalqadan wax-badan baan ku sharaxay oo quseeya inner child oo aan ku rajo way-nahay in aydun ka faa.idi doontaan hal ama laba shay.
Dhagaysi wanaagsan🧡
Sat, 23 Dec 2023 - 12 - 2023 dabiicadahan nabad galyee | shakhsiyada daciifka ah. ضعف الشخصيةMon, 04 Dec 2023
- 11 - 3 shay oo kaa caawin doona inaad dareenkaaga fahanto | maamulka dareemada.
Xalqadan waxa aan kaga hadlay Maamulka, maaraynta la dhaqanka iyo fahmida dareemada.
Waxa aan kaga hadlay 3 shay oo kaa caawin doona inaad fahanto dareenkaaga, inaad la dhaqanto waxa aad dareemayso sidoo kalena aad maamusho.
Fahamka dareenkaagu waxa uu kaa caawin doonaa in aad noolaato nolol aad la dhaqmi karayso naftaada, noloshaada iyo noolaan-shiyahaaga.Sat, 25 Nov 2023 - 10 - Jacaylka caqliga, jacaylka qalbiga iyo jacaylka isu miisaaman | ogaalka quseeya jacaylka Q2
Xalqadan waxa aan kaga hadlay 3 ka mid noocyada ay dadku isu jeclaadaan, oo kala ah jacaylka caqliga, jacaylka qalbiga iyo jacaylka isu miisaaman ee ah jacaylka ruuxda.
Waxa aan kaga hadlay dadka caqliga iska jeclaada sifooyinkooda, dadka qalbiga iska jeclaada sifooyinkooda iyo dhibaatooyinka ay kala dhaxlaan mudada wada xidhiidhkooda, haday waalid yihiin, haday saaxibada yihiin, haday dadka guurka wadaagaya yihiin iyo haday dadka haasaawaya yihiinba.
Waxa kaloon kaga hadlay marxalada jacayl ee isu miisaaman sida loo gaadhi karayo.
Fri, 17 Nov 2023 - 9 - Ogaalka quseeya jacaylka!!, waa maxay jacaylku? Muhiimada jacaylka.
Xalqadan waxa aan kaga hadlay wacyiga caamka ah ee ku aadan aragtideena dhanka jacaylka, ka bulsho ahaan. waxa aan kaga hadlay muhiimada jacaylka iyo sida guud waxa uu jacaylku yahay.
Xalqadan xalqada xigta waxa aan idinkula wadaagi doonaa 3 nooc oo aynu jacaylka u dareeno, isu jeclaano ama dadku ay isu jeclaadaan. Waxa aan idinkula wadaagi doonaa kala duwanaan-shiyaha jacaylka iyo iinsaanku sida uu ukala dareemo aniga oo adeegsanaya maraaxisha wacyiga iyo qofka.Tue, 07 Nov 2023 - 8 - 5 wax oo kuu fududeyn doona in aad naftaada barato.| muhiimada is-barashada.|know thyself|
Xalqadani waxa ay ka hadlaysaa;
Fahamka guud ee is barashada, muhiimada ay leedahay is barashadu ama muhiimada ay qofka uleedahay in uu is bartaa, waxa kale oo aan kaga hadlay 5 wax oo samayntooda iyo yeelidoodu ay kuu fududayn doonto in aad naftaada barato hadii aad dabaqdo.
way ka badan-yihiin laakiin 5 ayaan u arkaa in ay aasaas u tahay kolka aad doonayso in aad naftaada wax ka barato.Sun, 29 Oct 2023 - 7 - Waa maxay sababta aad dareen ahaan u daalan-tahay? | Emotional exhaustion |Fri, 20 Oct 2023
- 6 - Ruux kaste oo dareen ahaan daalayoow, way kuu hagaagi doontaa ilaahay idankiisa❤️🩹
Marar badan dibad ahaan ama jidh ahaan in aynu u daalno ayaa dhaanta gudo ahaan in aynu u daalno.
Jidh ahaan marka aynu u daalno waxa aynu awood u yeelanaa in aynu gama.no, in aynu nasano iyo in aynu jiifka nafis ku dareeno, balse dareen ahaan hadaynu u tacabno’ hurdona inooma dhadhanto, jiifna kuma ladno, dhinaca aynu dhulka iyara dhignaana daalka inagama biiyo, fadhina nafis kuma dareeno.
In-badan oo idinka mid ahina waa hubaanti in ay dareemayaan, ama ay hore u dareemeen kolka ay arini ku timid ee ay xalna waayeen, haba ka gudbeene.
Xalqadan waxaan jeclaaday in qoraal ka mid ah qoraaladayda aan idinla wadaago haba yaraadee.
Ruux-kaste oo daal gudeed, tacab dareen iyo nasiino la.aan gudeed dareemayoow way kuu hagaagi doontaa ilaahay idankiisa.
Waan ku jeclahay🧡Sat, 14 Oct 2023 - 5 - Waa maxay wacyigu ? | Kala duwanaan-shiyaha qofka ogaalka leh iyo qofka aan ogaalka lahayn|"الوعي "Fri, 29 Sep 2023
- 4 - Dhibaatada dad isla barbar dhiga | comparison problem.
Isla barbar-dhiga dadku
Waa xaalad dahaadh ka saari karaysa qofka bi.ni aadamka ah duwanaan-shiyihiisa, ama quruxda wax-yaalaha uu haystaa ay leeyihiin.
Waa marxalad ay tahay inta badan in aynu ka feejignaano, oo aynu la dagaalanno waayo waxa ay inta badan ka xayuubisaa, amaba shakhsiga ka qaadaa dhadhankii iyo macaankii uu ku heli lahaa ama ka heli lahaa intay fursaduhu u saamaxeen iyo wuxuu itaalkiisa taray ee uu awoodiisa qabsaday.
Ruux-kaste quruxbaa gudihiisa ah, hadii uu is aamino.
Qof-kastena duwanaan-shiyaa dhexdiisa ah,
kolka uu qofba, qofka kale uu u ogolaado in uu duwanaan-shiyihiisa dibada keenana wax-yaabo kala duwan oo qurux badan ayaa ka soo dhex baxaya.
Kala duwanaan-shiyahaa wax qurxiya.🌸🧡🌸
[ Is aamin oo duwanaan-shiyahaaga dibada keen, dadka kalena u ogoloow duwanaan-shiyahooda in ay dibada keenaan ].
Sat, 23 Sep 2023 - 3 - Dhibaatooyinka dareemada la kaydsado’ | [Cabir dareenkaaga] Express your feelings and emotions.
Dareen kaste oo aan laysku caabbiyin, laysku celinin, oo dibada hawshiisa laysaga soo saaro waa la illaabaa.
Xalqadan waxa aan kaga hadlay muhiimada ay leedahay in aynu dareenkeena cabirno, muhiimada ay leedahay in aynu tabashadeena isu gudbino, faa.idooyinka laga dhaxlo wax isu tabinta iyo dhibaatada ka timaada hadii aynu dareemada kaydsano, amaba aynu doorano in aynu isku cabudhino wixii aynu dareeno.
Is caabinta, dareen isku celinta, ka baqashada in ruux jilicsan lagu moodo hadii aad tabashadaada sheegto, iyo ma ogolaanshiyaha ah dibada in aad keento dareenka hadba cidhiidhyaya laabtaada ayaa sababa in uu dareenka cuslaynaya gudahaagu sii joogo oo uu wakhti badan kula walaaloobo xal la.aan.Fri, 15 Sep 2023 - 2 - Ku lifaaqanka dareen ee xanuunka inna bida | التعلق | Attachment.
- Xalqadani waxa ay kaa caawin doontaa Fahamka guud ee ku lifaaqanka dareen ee xanuunka qofka bidi kara ilaa heer uu is waayo (Attachment ).
- Waxa aan kaga hadlay wax-yaabaha aasaaska u ah amaba sababa in uu qofku wax jeclaado jacayl aan caafimaad qabin amaba uu dareen ahaan iyo afkaar ahaan si fudud wax, shay amaba cid ugu lifaaqmo illaa heer uu dhibaato ku muto.
- Cidda aynu dareen ahaan ku lifaaqmi karno illaa xad aynu is wayno, hadii ay tahay xaasaska, waalidka, walaalaha, dadyowga aynu sheeko wadaaga nahay, saaxibada amaba wax-yaabaha kale ee aynu si uun ula dhaqano haday shaqo tahay iyo hadii ay wax-kale tahayba.
- Waxa kale oo aan kaga hadlay xalqadan Tusaalayaasha aad ku garan karto in aad jacayl caafimaad qaba wax jeclayn balse aad jacayl aan caafimaad qabin wax jeceshahay.
- Iyo sida aad isu caawin karto, amaba aad u yeelan karto wacyiga quseeya jeclaan-shiyaha aan fayoobeyn ee aad naftaada ku dhibaateyn karto, dadka kalena dhib uugu gaadhsiin karto.Wed, 06 Sep 2023 - 1 - HORDHAC
Noloshuba waa safar ay hareero yihiin tijaabooyin, tijaabooyinkaas oo aynu leenahay doorashada aynu wax kaga baranayno iyo doorashada ah in aynu iska noolaano, oo aynu door-bidno in aynaan waxba uga fiirsanin wax-yaabaha qadarku inala kulminayo iyo wax-yaabaha sida joogtada ah inoo soo maraya wakhtiga noolaan-shiyaheena.
podcastkan waxa aan idin kula wadaagi doonaa si qoto dheer qisooyinka noloshayda ee aan wax ka bartay iyo kuwa aan wax ka baran doono ee ogaalkiina wax ku dari doona.
waxa aan idiinku soo gudbin doonaa wax-kaste oo ka qayb qaatay in aan xaqiiqadayda noolaado, wax-kaste oo ii fududeeyay in aan duwanaan-shiyahayga hanto iyo wax-kaste oo ii sakhiray in aan la xidhiidho xikmada qalbigeyga iyo isla caalamka gudahayga.
waxa aynu si wada jir ah ugu dadaali doonaa in aynu ku noolaano nolol isku miisaaman dhanka jidhka iyo dhanka ruuxda si aynu u helno nabad gudeed, daganaanshiyo iyo nolol wixii mashaakil ah xalkeeda la raadiyo, intii laga meeraysan lahaa in xaqiiqada la wajaho.
Wed, 16 Aug 2023
Podcasts semelhantes a Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah
- Global News Podcast BBC World Service
- El Partidazo de COPE COPE
- Herrera en COPE COPE
- The Dan Bongino Show Cumulus Podcast Network | Dan Bongino
- Es la Mañana de Federico esRadio
- La Noche de Dieter esRadio
- Hondelatte Raconte - Christophe Hondelatte Europe 1
- Dateline NBC NBC News
- 財經一路發 News98
- La rosa de los vientos OndaCero
- Más de uno OndaCero
- La Zanzara Radio 24
- L'Heure Du Crime RTL
- El Larguero SER Podcast
- Nadie Sabe Nada SER Podcast
- SER Historia SER Podcast
- Todo Concostrina SER Podcast
- 安住紳一郎の日曜天国 TBS RADIO
- TED Talks Daily TED
- アンガールズのジャンピン[オールナイトニッポンPODCAST] ニッポン放送
- 辛坊治郎 ズーム そこまで言うか! ニッポン放送
- 飯田浩司のOK! Cozy up! Podcast ニッポン放送
- 吳淡如人生實用商學院 吳淡如
- 武田鉄矢・今朝の三枚おろし 文化放送PodcastQR